Trump oo Kormeeray Xadka Mexico una Goodiyey Markale Mucaaridkiisa Dimuquraadiga.

0
Friday January 11, 2019 - 12:16:21 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 81
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo Kormeeray Xadka Mexico una Goodiyey Markale Mucaaridkiisa Dimuquraadiga.

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo koox kamid ah taageerayaashiisa ayaa kormeer ku tagay gobalka Texas ee xadka laleh dalka Mexico, isagoo kulamo la yeeshay saraakiisha qaabilsan illaalada xaduuda, Trump ayaa olole ugu jira inuu helo dhaqaalaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo koox kamid ah taageerayaashiisa ayaa kormeer ku tagay gobalka Texas ee xadka laleh dalka Mexico, isagoo kulamo la yeeshay saraakiisha qaabilsan illaalada xaduuda, Trump ayaa olole ugu jira inuu helo dhaqaalaha ama miisaaniyada lagu dhisi lahaa darbiga uu doonayo inuu xaduuda Mexico ka dhiso.


Waxaa asbuucii sadexaad xiran qeybo kamid ah xarumaha dowlada Federaalka Maraykanka kadib markii Kongareeska iyo Aqalka Cad ku heshiin waayeen miisaaniyada sanadka cusub, Madaxweynaha ayaa codsaday in miinsaaniyada loogu daro lacag gaareysa 5.6 Bilyan oo dollar oo uu sheegay inuu ku dhisi doono darbiga xaduuda Mexico, arrintaasi oo ay qaadaceen xisbiga Dimuquraadiga ee hada heysta aqlabiyada Aqalka Hoose.



"…La gorgortanka Xisbiga Dimuquraadiga waa mid ka adag ama ka dhib-badan la gorgortanka dalka China…”


Trump ayaa horey u sheegay inuu dusha saaran doono "eeda” xiritaanka xafiisyada Federaalka arrintaasi oo hada mareysa sadex todobaad isla markaana shaki gelineysa in la bixin doono mushaharka shaqaalaha dowlada oo gaaraya 800 kun oo qof.


Bixinta mushaharka shaqaalaha dowlada oo dib u dhacda ayaa saameyn weyn ku yeelan karta siyaasada dalkaasi iyo waliba carada shacabka arrintaasi oo dhaawici karta Donald Trump oo isagu sabab u ah inuu dowlada oo dhan u xiro si uu uhelo miisaaniyada darbiga xaduuda oo ah arrin aysan si weyn u taageersaneyn inta badan shacabka Maraykanka.


ormeerkii uu Trump ku tagay xaduuda gobalka Texas la wadaago Mexico ayaa ahayd mid horudhac u ah arrinta uu ku goodinayo Trump oo ah inuu soo rogi doono Xaalad Deg deg ah hadii uu sii socdo ismarin-waaga isaga iyo xisbiga Dimuquraadiga, xukunka xaalada deg degta ah ayaa awood u siin karta in Madaxweynaha uu qeyb kamid ah Miisaaniyada horey loo ansixiyey uu u adeegsado dhinaca darbiga Mexico, sida in dhaqaalihii ama lacagtii loogu talo galay ka hortaga masiibooyinka uu u leexiyo dhinaca illaalada xaduuda iyo dhismaha darbiga xaduuda Mexico.


Hase yeeshee Xisbiga Dimuquraadiga ayaa sheegay inay maxkamad la tiigsan doonaan Donald Trump hadii uu soo rogo xaalad deg deg ah si uu hab khaldan ugu adeegsado miisaaniyada dowlada Federaalka Maraykanka.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip