Wasaaradda Amniga oo Xabsiga Dhigtay Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Booliska.

0
Friday January 11, 2019 - 12:00:47 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 33
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Amniga oo Xabsiga Dhigtay Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Booliska.

    Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xabsiga dhigtay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhawaan Muuqaal laga soo duubay xilli uu qof haween ah Aflagaadeynaayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xabsiga dhigtay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhawaan Muuqaal laga soo duubay xilli uu qof haween ah Aflagaadeynaayay.


War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in la xiray sarkaalka, islamarkaana hadda ay ku socdaan baaritaano.

Sarkaalka la xiray ayaa lagu magacaabaa Yuusuf Xundubey, waxaa uu ka soo muuqday muuqaal la soo geliyay baraha bulshada, isaga oo gacan ka hadal dhex maraya gabar, iyadoo gabadhaas la sheegay inay aheyd xaaskiisa hore.

Qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda Amniga ayaa lagu sheegay in sarkaalka la xiray laga soo qabtay degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, iyadoo wasaaradu sheegtay inaan loo dulqaadan doonin xadgudubka loo geysto dadka shacabka ah.

"Wasaaradda Amniga waxay soo xirtay Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaliyeed oo fal foolxun kula kacay Gabar Soomaliyeed oo ahayd xaaskiisi hore/ Xaafada Shibis. Marnaba looma dul qaadan doono in Ciidamadu ku xadgudbaan sharafta iyo xuquuqda muwaadinka Soomaliyeed”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip