Ciidanka Xoogga Dalka oo Isbaarooyin Ka Qaaday Gobalka Shabeellada Hoose.

0
Thursday January 10, 2019 - 13:29:14 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 72
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga Dalka oo Isbaarooyin Ka Qaaday Gobalka Shabeellada Hoose.

    Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howl-gallo lagu qaadayay Jid gooyooyin yiillay degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose ka sameeyay Degmada Afgooye iyo nawaaxigeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howl-gallo lagu qaadayay Jid gooyooyin yiillay degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose ka sameeyay Degmada Afgooye iyo nawaaxigeeda.


Howl-galkan oo ay hor kacayeen Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jenaraal, Odowaa Yuusuf Raage iyo Saraakil kale ayaa lagu qaaday Isbaarooyin dhowra oo lagu dhibaateyn jiray Dadka Shacabka ah, iyagoo Gacanta kusoo dhigay Shan ka mid ah Kooxihii ay Jid-gooyada u tiillay iyo Hubkii ay wateen.

Abaanduule, Odowaa Yuusuf , ayaa sheegay in ay u taagan yihiin difaaca Dalka, isla markaana aysan u dulqaadan doonin in la dhibaateeyo Shacabka, waajibna uu ka saaran yahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ciidanka ayaa difaacyo cusub ka sameystay degaanno hoos-taga Afgooye, si loo ammaanka guud ee Gobolka iyo kan Degmada intuba.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose, ayaa ugu mahad celiyay Saraakiishan uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka, dar-dar gelinta la dagaallanka Kooxda Al-Shabaab iyo kuwa ku howlan falalka liddiga ku ah amniga, sida Jid-gooyooyinka iyo boobka Dad weynaha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip