Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Booqday Ciidamo Loo Diyaariyay Dagaalka Al-Shabaab -Sawirro

0
Thursday January 10, 2019 - 09:54:58 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 42
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Booqday Ciidamo Loo Diyaariyay Dagaalka Al-Shabaab -Sawirro

    Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa saaka khudbad u jeediyay Ciidamada u diyaar garoobaya howlgalka xoraynta Jubbada Dhexe oo ay kamid yihiin Ciidamadii ka howlgalayay aaga Degmada Afmadow kuwaas oo uu sheegay in shaqo wanaagsan ay qabt

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa saaka khudbad u jeediyay Ciidamada u diyaar garoobaya howlgalka xoraynta Jubbada Dhexe oo ay kamid yihiin Ciidamadii ka howlgalayay aaga Degmada Afmadow kuwaas oo uu sheegay in shaqo wanaagsan ay qabteen Cadowgana ay u diideen in ay deegaanka soo holiyaan Madaxweynahu wuxuu sheegay in ay dadaalkooda iyo shaqada Qaran ee ay qabteen mar walba lagu xusuusan doono.


Wuxuu intaas ku daray in Degmada isbadal lagu samayanayo oo Maamul Ra’yid ah loo samaynayo iyadoo Ciidamadii fadhigoodu uu halkan ahaana ay shaqooyin u tagi doonan meelo kale si ay deeganada kale u xoreeyaan.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Ciidamada Jubbaland oo dhan ay howlgalkan fulinayaan ayna u diyaarsan yihiin iyadoo si wadajir ah loo bilaabaya howlgalo qorshaysan.

Xarun Cusub oo tababar ayuu sheegay in la hirgalinayo inta uu howlgalkan socdo iyadoo dib u habayn iyo qaabayn lagu samayn doono dhamaan Ciidamada Dowlada.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Ciidamada Jubbaland oo dhan ay howlgalkan fulinayaan ayna u diyaarsan yihiin iyadoo si wadajir ah loo bilaabaya howlgalo qorshaysan oo marka hore cadowga lagu naafaynayo taas oo dhabaha u xaaraysa in la jabiyo Shacabka ayuu sheegay Madaxweynahu in ay Ciidamada u yeerayaan oo ay leeyahiin noo kaalaya sidaas darteedna ayna jirin sabab looga sii maqnaado waa sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in howlgalka  dhinacyo badan laga fulin doono sida deegamada Xeebaha ku teedsan iyo Gobolka Jubbada Dhexe oo kol dhow gacanta soo gali doona.















Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip