Al-shabaab oo Xalay Weeraray Degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

0
Thursday January 10, 2019 - 08:08:46 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabaab oo Xalay Weeraray Degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay agaal culus oo xalay ka dhacay degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose kaas oo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay agaal culus oo xalay ka dhacay degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose kaas oo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.


Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay xalay weerar culus ku qaadeen fariisin Ciidamada Dowladda ku leeyihiin degmada Marka,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo mudo saacado ah socday.


Dad ku sugan Magalada Marka ayaa sheegay in dagaalka uu sigaar ah uga dhacay Xaafada Ruusiya oo ay Al-Shabaab soo weerareen fariisin ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin,isla markaan ay maqlayeen jugta culus hubka ay isku adeegsanayeen labada dhinac.



Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa waxa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana dib ugu celiyeen halkii markii hore ay kasoo weerar tageen.


Weli macadam khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas maadaama xilli haben ah aheyd dadka badankoodna ay ahaayeen kuwo Guryahooda ku jira,hayeeshee warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in uu jiro khasaaro labada dhinac ah iyo dadka rayidka ah intaba.


Wararka saakay naga soo gaaraya Magalada Marka ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana Shabaab ay dib ugu laabteen deegaanka Jilib Marka oo ay markii hore ka yimaadeen,hayeeshee dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay wadaan Cidamada Dowladda Soomaaliya.


Maxamed Cismaan Yariisow Guddoomiyihii Hore ee Magaalada Marka , hadana ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda ee ku sugan Marko ayaa sheegay in hadda Magaalada ay ka socdaan howlgallo lagu xaqiijinaayo Ammaanka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip