Mareykanka oo Shaaciyay Khasaaraha Ka Dhashay Duqeyn Ay Ka fuliyeen Gobolka Baay.

0
Thursday January 10, 2019 - 08:05:06 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 74
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo Shaaciyay Khasaaraha Ka Dhashay Duqeyn Ay Ka fuliyeen Gobolka Baay.

    War kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in weerar dhinac cirka ah ku bartilmaameedsadeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo ku sugnaa deegaan katirsan gobolka Baay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in weerar dhinac cirka ah ku bartilmaameedsadeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo ku sugnaa deegaan katirsan gobolka Baay.


Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn la beegsadeen goob ay Al Shabaab kasoo abaabulaan weerarada oo kutaala deegaanka Yaaq Baraawe oo katirsan gobolka Baay ee Koonfur Galbeed.

Warka kasoo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeyntan oo 8 bishaan lagu dilay 6-kamid ah dagaalyahanada Al Shabaab sidoo kale lagu gubay baabuur.

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntan aysan wax dhibaato ah kasoo gaaray dad shacab ah, waxa ayna sheegeen in Duqeyntan kaliya dhibaato gaarsiisay dagaalayahanada Al Shabaab ee ku sugnaa goobta la duqeeyay.

Duqeyntan Mareykanka ka geesteen gobolka Baay ayaa noqoneysa duqeyntii shanaad ee sanadka cusub ka fuliyaan Soomaaliya, waxa ayna dowlada Mareykanka sheegtay in ay sii wadayaan Duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab  .




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip