Madaxweynaha Puntland Oo Cadeeyay Mowqifkiisa Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada.

0
Thursday January 10, 2019 - 07:56:16 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 55
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland Oo Cadeeyay Mowqifkiisa Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada.

    Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyay Telefishinka BBC Somali kaga hadlay arrimo kala duwna oo quseeya Federaalka iyo muranka iyaga iyo Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyay Telefishinka BBC Somali kaga hadlay arrimo kala duwna oo quseeya Federaalka iyo muranka iyaga iyo Somaliland.


Saciid Deni ayaa sheegay in Somaliland ay ku soo xadgudubtay dhulka Puntland, isagoo ugu baaqay inay dib ugu laabtaan goobahooda.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa sheegay in dhisida nidaamka Federaalka ay Puntland qeyb ka aheyd, isla markaana naf iyo maal kaga baxay, waxaa uu xusay inay sii xoojin doonaan.

Waxaa uu sheegay in dalka uu ku jiro Marxalad dib u dhis ah, isla markaana Dastuurka uu qabyo yahay, lagana soo baxay nidaam dowlad dhexe, haatan la galay nidaamka Federaalka, isagoo xusay inay ka shaqeynayaan shuruucda lagu hagi lahaa, isagoo xusay in arrinata jira aanay khilaaf aheyn, balse ay tahay aragti duwanaan.

Mar la weydiiyay arrinta dhismaha Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo ay horay uga baxeen Hirshabeelle ayuu sheegay in dastuurka uu dhigayo in Maamul goboleedyada is kaashadaan, danahooda ka shaqeeyaan, wax kasta oo dastuurka dhigayo ay ku dhaqmi doonaan sida uu yiri.

Hadalka Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa durba muujinaya in Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo sanadkii 2017 la aas aasay uusan waxba iska bedeli doonin.

Si kastaba in kastoo uusan ku dheeraan ka hadalka Golaha Iskaashiga ayaa hadana dad badan waxa ay siweedyiinayaan in uu ka mid noqon doono iyo in kale,waxana Golaha Iskaashiga oo khilaaf kala dhaxeeya Dowladda Federaalka hadda ka mid ah Madaxweynaha Galmudug Xaaf iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip