Qaramada Midoobay oo War Ka Soo Saartay Doorashadii Ka Dhacday Puntland.

0
Wednesday January 09, 2019 - 18:36:35 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 55
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay oo War Ka Soo Saartay Doorashadii Ka Dhacday Puntland.

    Qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu soo dhaweeyay doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland ee shalay ka dhacday magaalada Garawe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu soo dhaweeyay doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland ee shalay ka dhacday magaalada Garawe.


Kusimaha Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya ahna ku xigeenka ergeyga gaarka ah Raisedon Zenenga ayaa soo dhaweeyay una hambalyeeyay Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka cusub ee shalay la doortay.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale  amaantay qaabkii ay guddiga doorashada Puntland u maamuleen doorashada, waxa ayna Qaramada Midoobay u hambalyeesay guddiga doorashada Madaxweynaha Puntland.

"Waxaan rajeyneynaa in aan si dhow u wada shaqeyno Madaxweyne Deni.”ayuu yiri Mr Zenenga.

"Waxaan sidoo kale aan ammaan u soo jeedinaynaa Madaxweynihii hore Cabdiweli Maxamed Cali ‘Gaas’ iyo maamulkiisa sida ay u maamuleen in si nabadgelyo ah awooda la isugu wareejiyo isla markaana suurtogeliyay jawi wanaagsan oo ay guddiga doorashada waajibaadkooda ugu guteen.”

Dhinaca kale, waxa uu sheegay inay bogaadinayaan Madaxweynaha xilka ka sii degayo C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Maamulkiisa oo si nabad buuxda u wareejiyey Awoodda Maamulka Puntland, isla markaana abuuray xaallado suurto-geliyey inay Doorasho Guul leh ka dhacdo Puntland, oo lagu soo doortay Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo Ku-xigeenkiisa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip