Madaxweynaha Cusub Ee Puntland Oo Kulan Deg Deg Ah La Qaatay Laamaha Amniga -Sawirro

0
Wednesday January 09, 2019 - 13:15:23 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 125
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Cusub Ee Puntland Oo Kulan Deg Deg Ah La Qaatay Laamaha Amniga -Sawirro

    Madaxweynaha dooran ee Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni Iyo Ku Xigeenkisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa saakay kulan deg deg ah magaalada Garawe waxa uu kula qaatay saraakiisha laamaha amaanka Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dooran ee Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni Iyo Ku Xigeenkisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa saakay kulan deg deg ah magaalada Garawe waxa uu kula qaatay saraakiisha laamaha amaanka Puntland.


Kulanka waxaa kasoo qeyb galay taliyaasha ciidamada Puntland iyo saraakiil kale oo katirsan laamaha amaanka, waxaana kulanka looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa amaanka inta lagu guda jiro kala wareega maamulka Punland.

Kulanka oo ahaa mid looga hadlayay xoojinta amaanka guud ee Puntland ayuu madaxweyne Deni saraakiisha iyo taliyaasha uu la kulmay u sheegay in muhiim ay tahay dar-dar gelinta amniga guud ee Puntland maadama laga soo gudbiyay xili kala guur ah.

Madaxwenaha cusub ee Puntland ayaa saraakiisha uu la kulmay uga mahad celiyay sidii ay uga sahaqeeyeen amaanka guud intii ay socdeen doorashada Madaxda maamulka Puntland .

Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr.Siciid Cabdulaahi Deni oo shalay ay doorteen xildhibaanada golaha wakiilada Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay kulamo kala duwan magaalada Garoowe kula qaatay masuuliyiin ka socotay dowlad Federaalka Soomaaliya saraakiisha ciidamada iyo masuuliyiin kale.



Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi deni ayaa la filayaa in dhawaan ay Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ka dhacdo munaasabad lagu Caleemo saarayo.









Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip