Donald Trump oo Markale Codsaday Dhaqaalaha iyo Dhismaha Darbiga Xaduuda Mexico.

0
Wednesday January 09, 2019 - 13:09:26 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 42
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Donald Trump oo Markale Codsaday Dhaqaalaha iyo Dhismaha Darbiga Xaduuda Mexico.

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa markii ugu horeysay khudbad uu kasoo jeediyey xafiiskiisa oo si toos ah looga siidaayey warbaahinta uga hadlay ismarin waaga hakisay hawlaha dowlada Maraykanka ee la xariirta miisaaniyada iyo dhismaha darbiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa markii ugu horeysay khudbad uu kasoo jeediyey xafiiskiisa oo si toos ah looga siidaayey warbaahinta uga hadlay ismarin waaga hakisay hawlaha dowlada Maraykanka ee la xariirta miisaaniyada iyo dhismaha darbiga uu doonayo inuu ka dhiso xaduuda dalkiisa la wadaago Mexico.


Trump oo si toos ah ulla hadlayey shacabka Maraykanka ayaa sheegay in ay laga maarmaan ay tahay in la dhiso darbiga xaduuda Mexico oo uu sheegay inay kasoo galaan qaxooti badan iyo daroogo, isagoo sheegay in xisbiga Dimuquraadiga uu caqabad ku noqday qorshahaasi taasi oo keentay in la ansixin waayo miisaaniyada iyo xiritaanka xafiisyada dowlada todobaadyadii lasoo dhaafay.



Madaxweynaha Maraykanka ayaa todobaadkan ku goodiyey inuu xaalad deg deg ah kusoo rogi doono xaduuda Mexico, balse khudbadiisii xalay ka gaabsaday inuu ku dhawaaqo tilaabadaasi oo ay horey uga sii digeen xisbiga Dimuquraadiga.


Hogaamiyayaasha xisbiga Dimuquraadiga ee Aqalka Sare iyo Kongareeska oo iyaguna isla markiiba ka jawaabay khudbada Madaxweynaha ayaa beeniyey dooda Trump iyagoona sheegay inuu doonayo cabsi gelinta shacabka iyo abuurida shido aan jirin oo keentay in gebi ahaan xirmaan hawlihii dowlada kadib markii lagu guuleysan waayey miisaaniyada cusub.


Dimuquraadiga ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin miisaaniyada Trump uu doonayo inuu darbiga ku dhiso oo gaareysa 5.6 bilyan, lacagtaasi oo ay sheegeen in meelo kale looga baahan yahay, halka Trump uu doonayo inuu ka dhabeeyo balanqaadkiisaas uu u sameeyey taageerayaashiisa xagjirka ah kahor intaan la gaarin ololaha doorashada danbe ee 2020.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip