Axmed Cilmi Karaash Oo Loo Doortay Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland.

0
Tuesday January 08, 2019 - 16:46:30 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Cilmi Karaash Oo Loo Doortay Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland.

    Axmed Cilmi Cismaan [Karaash] ayaa ku guuleystay doorashadii Madaxweyne kuxigeenka Puntland, siyaasigan oo kasoo jeeda gobalka Sool ayaa horey xilala kala duwan uga soo qabtay xukuumadihii hore ee Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axmed Cilmi Cismaan [Karaash] ayaa ku guuleystay doorashadii Madaxweyne kuxigeenka Puntland, siyaasigan oo kasoo jeeda gobalka Sool ayaa horey xilala kala duwan uga soo qabtay xukuumadihii hore ee Puntland.

Xilka Madaxweyne kuxigeenka oo ay ku tartamayeen 11 murashax ayaa wareegii ugu danbeeyey isugu soo hareen labada murashax oo kala helay:

Axmed Cilmi Cismaan [Karaash] – 47


Cabdi Cismaan Qawdhan – 19

Codbixintan ayaa soo afjareysa doorashadii Puntland ee lagu doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka cusub ee Puntland oo xilka loo dhaariyey shanta sano ee soo socota.

Madaxweynaha cusub Siciid Cabdullahi Deni oo isagu saaka xilka loo doortay ayaa u hambalyeeyey Madaxweyne kuxigeenka cusub Axmed Karaash oo ah siyaasi saameyn weyn ku leh gobalka Sool, isla markaana taageero xoogan ka heystay issimada gobalkaasi kasoo jeeda.

Axmed Karaash oo isla markiiba loo dhaariyey xilka loo doortay ayaa hadal kooban oo uu soo jeediyey ku sheegay inuu balan qaadayo inuu si wanaagsan ulla shaqeeyo Baarlamaanka doortay.

Cabdi Cismaan Qawdhan oo ah murashaxii loolanka adag la galay tartanka Madaxweyne kuxigeenka oo goobta ka hadlay codbixinta kadib ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qaabka ay doorashada u dhacday.

Madaxweyne kuxigeenka xilka ka degaya Eng.Cabdixakim Camey oo golaha ka hadlay ayaa dhankiisana u hambalyeeyey hogaamiyaha cusub ee la doortay, Camey oo isaguna mar labaad u tartamay xilka ayaa doorashada ku hungoobay si lamid ah saxiibkiis Madaxweynaha xilka ka degaya Cabdiweli Gaas oo isaguna tartanka ku haray wareegii kowaad.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip