Mareykanka oo Faahfaahiyay Duqeyn Ka Dhacday Gobalka Shabeellaha Hoose.

0
Tuesday January 08, 2019 - 08:26:17 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 65
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo Faahfaahiyay Duqeyn Ka Dhacday Gobalka Shabeellaha Hoose.

    War kasoo baxay taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa lagu faah faahiyay howlgal ka dhan Alshabaab,kaasi oo ka dhacay 6-dii bishan Koonfurta Soomaaliya, waxaana mareykanka uu sheegay in uu Shabaab gaarsiiyay Khasaare.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War kasoo baxay taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa lagu faah faahiyay howlgal ka dhan Alshabaab,kaasi oo ka dhacay 6-dii bishan Koonfurta Soomaaliya, waxaana mareykanka uu sheegay in uu Shabaab gaarsiiyay Khasaare.


Warka ayaa lagu sheegay in Ciidamada oo kaashanaya kuwa Mareykanka ay bartilmaameedsadeen degaanka Dheerow Sanle oo ka tirsan Koonfur Galbeed,Soomaaliya.

Taliska Mareykanka ayaa sheegay in howlgalka intii uu socday ay ka qeyb qaateen diyaaradaha aan duuliyaha la heyn ee Mareykanka.

Lix ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyntaasi,iyadoo uu burbur soo gaaray saldhiggii ay halkaasi ku lahaayeen Shabaab.

"Dowladda Mareykanka  waxaa ka go’an sii wadista beegsiga Al-Shabaab si ay uga hor tagaan dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan,iyadoo sidoo kale mar walba la xaqiijinayo in aan khasaare dhimasho iyo dhaawacba soo gaarin dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska Mareykanka.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan saldhigyada Shabaab ay ku leeyihiin Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip