Golaha Wakiilada Puntland oo Maanta Dhageysanaya Khudbadaha Musharixiinta.

0
Monday January 07, 2019 - 08:46:09 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 92
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wakiilada Puntland oo Maanta Dhageysanaya Khudbadaha Musharixiinta.

    Dhageysiga khudbadaha musharaxiinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa saaka lagu wadaa in ay ka bilaabato xarunta golaha wakiilada ee Baarlamaanka Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhageysiga khudbadaha musharaxiinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa saaka lagu wadaa in ay ka bilaabato xarunta golaha wakiilada ee Baarlamaanka Puntland.


Ilaa 32 musharax oo isugu jira madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ayaa sida qorshuhu uu yahay maanta khudbado ka horjeedin doona mudanayaasha Baarlamaanka Puntland, iyagoona mudanyaasha u gudbin doona barnaamijkooda siyaasadeed hadii la doorto.


Marka la eego hadal jeedinta musharixiinta ee maanta ku kooban iyo tirada ay le’eg yihiin ayaa ah wax aad u kala fog maadama 32 musharax oo ah tiradii ugu badneyd ay maNta ku jaango’an tahay khudbadjeedintooda.



Gudiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa horey u sheegay in 7 bisha oo maanta ku beegan ay billaabmi doonto khudbaha musharixiinta xilka madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland halka maalinta Berri ahna ay noqon doonto maalinta kama dambeysta ah ee ay dhacayso doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Puntland 8 Janaayo 2019.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip