Wararkii ugu Dambeeyay Howlgalo Adag oo Saakay Ka Socda Degmada Afgooye.

0
Sunday January 06, 2019 - 09:28:39 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 99
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu Dambeeyay Howlgalo Adag oo Saakay Ka Socda Degmada Afgooye.

    Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa saakay howlgalo adag oo baaritaano ah waxa ay ka wadaan xaafadaha kala duwan ay ka kooban tahay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa saakay howlgalo adag oo baaritaano ah waxa ay ka wadaan xaafadaha kala duwan ay ka kooban tahay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.


Howlgalkan oo ah mid guri guri ah ayaa waxaa wada ciidanka Milateriga, waxaana howlgalkan uu ka dambeeyay, kaddib markii maalmihii la soo dhaafay ka dhaceen degmada dilal kala duwan.

Ciidamada ayaa hareereeyay xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Afgooye, waxaana la sheegay in baaritaanada lagu weydiinayo dadka aqoonsi iyo cida taqaan.

Ciidamada ayaa si gaar ah u baaraya dhalinyarada degmada Afgooye, waxaana la sheegay in ciidamada xirayaan dadka ay sida gaarka ah uga shakiyaan ama la waayo qof la yaqaan oo damiinta.

Sidoo kale howlgalada laga wado guryaha ayaa la sheegay in lagu baarayo hub iyo waxyaabaha qarxa.

Wararka Ka imaanaya degmada Afgooye ayaa sheegaya in howlgalka ka socda Afgooye uu ka duwan yahay howlgaladii horay uga dhacay magaalada, marka loo eego xaafadaha ay ciidamada gudaha u soo galeen.

Ciidamada howlgalka sameeeyay ayaa waxaa la sheegay in ay ahaayeen Ciidamo cusub oo dhawaan halkaasi la geeyay,waxaana ay ku qabteen dad badan oo ay ku jiraan Macalimiin wax ka dhiga Iskuulo ku yaalla Degmada Afgooye,iyagoona la geeyay Saldhiga Booliska degmadaasi.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka degmada iyo Talisyada Ciidamada saldhigga ku leh degmada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip