Guddi Xaqiiqo Raadin Ah oo Loo Saaray Qalalaasihii Ka Dhacay Baydhabo (Akhriso)

0
Saturday January 05, 2019 - 18:38:47 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 94
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddi Xaqiiqo Raadin Ah oo Loo Saaray Qalalaasihii Ka Dhacay Baydhabo (Akhriso)

    Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa magacaabay Guddi xaqiiqo raadin ah oo baaraya shaqaaqooyinkii ka dhacay Magaalada Baydhabo ee doorashadii ka horeeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa magacaabay Guddi xaqiiqo raadin ah oo baaraya shaqaaqooyinkii ka dhacay Magaalada Baydhabo ee doorashadii ka horeeyay.


Wareegto ka soo baxday C/casiis Laftagareen ayaa lagu magacabaya Guddigan oo ka kooban 7 xubnood, kuwaasoo la sheegay inay keeni doonaan xaqiiqada dhabta ah ee shaqaaqooyinkii ka dhacay Magaalada Baydhabo ayna ku dhinteen dad gaaraya 15 qof.

Arrintan ayaa imaaneysa kadib markii wakiilkii hore ee Q/Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya uu su’aalo culus arritan ka weydiiyey wasiirka amniga Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya laga sugayo jawaabta faragelintii ay ku sameysay doorashadii K/Galbeed iyo qaabkii loo maareeyey.

Shaqaaqooyinkaasi ayaa dhacay intii u dhexeeysay 13-15ka bishii December 2018,kuwaasi oo sababay Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac,waxaana dadkii ku dhintay kamid ahaa Xidhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa markii loo diyaar garoobayay Doorashadii Madaxweynaha KGS ka dhacay banaanbaxyo waa weyn oo ka dhashay Xarig loo geysaty Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur,kaasi oo kamid ahaa Musharixiintii u tartamayay Doorashadii dhawaan ka dhacday Magaalada Baydhabo ee uu ku guuleystayCabdicasiis Xasan Maxamed Lafata -gareen.


Waa markii ugu horeysay ee Maamulka Koofurgalbeed uu ka hadlo shaqaaqooyinkii ka dhacay magaalada Baydhabo waxana uu imanayaa magacaabista guddigan xilli ay gaareen magaalada Baydhabo xildhibaano iyo siyaasiyiin ka soo horjeeda Maamulka uu madaxda ka yahay Madaxweyne Laftagareen.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip