Dhoobo Daarood Oo Ku Guuleystay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

0
Friday January 04, 2019 - 12:14:57 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 96
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhoobo Daarood Oo Ku Guuleystay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

    Xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed ayaa noqday gudoomiyaha golaha wakiilada Puntland kadib doorashadii maanta ka dhacday magaalada Garoowe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed ayaa noqday gudoomiyaha golaha wakiilada Puntland kadib doorashadii maanta ka dhacday magaalada Garoowe.

 


Musharax xildhibaan Cabdixakiin Dhoobo Daareed ayaa ku guuleystay codad dhan 43 cod halka musharixii kula tartamayay wareegga labaad ee doorashada xildhibaan Cabdi Jamaal uu helay 23 cod.


Doorashada gudoomiyaha golaha wakiilada Puntland oo saaka ka bilaabatay xarunta golaha wakiilada ee magaalada Garoowe ayaa ahayd mid si weyn loo dhursugayay iyadoona ay gashay codeyn dhan labo wareeg.



Gudoomiyaha la doortay ee Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo ayaa tartan adag la galay musharixiin gaaraya 4 musharax iyadoona si aqlabiyad leh uu uga soo baxay gudoomiyahan la doortay.


Markii ay soo dhamaatay doorashada ayuu gudoomiyaha cusub ee golaha wakiilada Cabdixakiin Dhoobo Daareed uu uga mahadceliyay xildhibaanada sida wanaagsan ee ay codkooda u siiyeen isagoona balan qaaday in uu si cadaal ah uga soo bixi doono xilka loo igmaday.

 

Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo-daarood]  ayaa ah Xildhibaan mudo saddex jeer usoo tartamay Kursiga Gudoomiyaha Gollaha Wakiiladda Puntland [2014, 2015 iyo 2019].

Dhoobo-daarood ayaa doorashadii 2014 ku haray wareegga kowaad, waxa uu haddana isku soo taagay xilkan 2015 markii Xildhibaanada ay xilka ka qaadeen Saciid Xasan Shire, balse waxaa ka adkaadey Axmed Cali Xaashi.

Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo-daarood] Waxa uu kursiga Xildhibaanimo ee Puntland kasoo galay gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo) ayaa dhawaan soo magacaabi doona Guddiga doorashada Madaxweynaha Maamulka Puntland oo la dooran doono 8-da Bishaan kuna beegan Talaadada soo socota.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip