Dhoobo Daarood Iyo Cabdi Jamaal Oo U Gudbay Wareega 2-aad Ee Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka PL.

0
Friday January 04, 2019 - 11:13:02 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 97
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhoobo Daarood Iyo Cabdi Jamaal Oo U Gudbay Wareega 2-aad Ee Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka PL.

    Tirinta Codadka Wareega 1-aad ee Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland, ayaa Haatan lagu soo Gaba-gabeeyay Xarunta Golaha Wakiilada Puntland ee Magaalada Garoowe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tirinta Codadka Wareega 1-aad ee Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland, ayaa Haatan lagu soo Gaba-gabeeyay Xarunta Golaha Wakiilada Puntland ee Magaalada Garoowe.


Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa Waxaa u tartamaya 4 Musharax oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, kuwaas oo kala ah:

  • Cabdixakiim Maxamed Axmed (dhoobo Daarood),
  • Xildhibaan Cabdirashiix Yuusuf Jibriil, 
  • Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed 
  • C/raxmaan Cali Jibriil

Musharraxiinta waxay kala heleen sidatan. Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo Daarood) wuxuu helay 37 cod, Cabdijamaal Cismaan 15 cod,Cabdirashiid Yuusuf Jibriil 9 iyo Cabdiraxmaan Cali Jibriil wuxuu helay 5 cod.

 

 

Labo Musharax ayaa isigu soo haray Wareega 2-aad ee Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland kuwaas oo kala ah Cabdixakiim Maxamed Axmed (dhoobo Daarood) iyo Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed .

66 Xildhibaan ee uu ka Kooban yahay Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa Codeynaya, IyadoonaMusharixiintu ay ku kala baxayaan Cod Dheeri.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip