Ilhaan Cumar Oo Loo Dhaariyay Aqalka Xubin-Nimada Kongareeska Maraykanka.

0
Friday January 04, 2019 - 10:03:14 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 67
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ilhaan Cumar Oo Loo Dhaariyay Aqalka Xubin-Nimada Kongareeska Maraykanka.

    Ilhan Cumar ayaa noqotay qofkii ugu horeeyay oo ka soo jeeda dalka Soomaaliya oo loo dhaariyo xubinimada Aqalka Congresska dalka Maraykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilhan Cumar ayaa noqotay qofkii ugu horeeyay oo ka soo jeeda dalka Soomaaliya oo loo dhaariyo xubinimada Aqalka Congresska dalka Maraykanka.


Ilhan Cumar ayaa noqonaysa haweeneydii ugu horeysay ee xijaaban oo fariista Aqalka Congresska dalka Maraykanka iyadoo laga soo doortay degmada  ay Soomaalidu ku badan tahay ee Minnesota.

Congresska 116aad ee dalka Maraykanka ayaa waxaa xubno ka noqday markii ugu horeysay labo haween ah oo haysta diinta Islaamka.

Nancy Pelosi oo ah haweeney hore afhayeen uga soo noqotay Aqalka Congreska ayaa marka kale loo doortay inay noqoto guddoomiyaha Aqalka Congresska oo ay ku badan yihiin xisbiga Dimuqraadiga.

Guud ahaan 102 haween ah ayaa markii ugu horeysay waxa ay ka mid noqdeen aqalka congresska iyadoo 36 ay yihiin dumar ku cusub aqalka halka 43 ay yihiin dumar aan cadaan ahayn.

Ilhaan Cumar oo ah Soomaali Maraykan iyo Rashida Tlaib oo asalkeedu yahay Falastiin, ayaa noqonaya Gabdhihii ugu horreeyay ee Muslim ah oo xubin ka noqda Kongareeska Maraykanka, taasoo iyana kasoo gashay Michigan.



Soomaalida ku dhaqan Dalka Maraykanka gaar ahaan shacabka reer Minnesota ayaa aad usoo dhoweeyay dhaarinta Ilhaan Cumar, waxanay sheegeen in ay wax badan u qaban doonto Dadkeeda taas oo ay iyaduba ay horay u ballan qaadday.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip