Aqalka Sare Oo Joojiyay Wadashaqeyntii Kala Dhaxeysay Golaha Shacabka (Akhriso)

0
Thursday January 03, 2019 - 21:39:28 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 101
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqalka Sare Oo Joojiyay Wadashaqeyntii Kala Dhaxeysay Golaha Shacabka (Akhriso)

    Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa hakiyey wada-shaqeyntii kala dhaxeysay Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya, iyadoo sabab looga dhigay in Golaha shacabka baal maray hannaankii wada-shaqeynta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa hakiyey wada-shaqeyntii kala dhaxeysay Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya, iyadoo sabab looga dhigay in Golaha shacabka baal maray hannaankii wada-shaqeynta.


Qoraalka oo uu ku saxiixnaa guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in Golaha Shacabka ay muddo dheer ka sugayeen in la xaliyo arrimo ka dhaxeeya oo ay ka mid yihiin

  • Hareer marida habraaca dastuurka ee meelmarinta sharciga xisaab xirka.
  • Xiriirka dibada ee baarlamaanka federalka,
  • Kala dhowrista xilalka gaar ahaaneed ee labada gole iyo qoddobo kale.

Go’aan ka soo baxay Guddoonka Aqalka Sare ayaa lagu sheegay inay hakiyeen wadashaqeyntii Aqalka Sare la lahaa Golaha Shacabka inta xal laga gaarayo arrimaha dhex yaalla labada Gole ee Baarlamaanka.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii Baarlamaanka uu Aqalka Sare u soo gudbin waayey Miisaaniyadda 2019 oo toos loogu diray Madaxweynaha Soomaaliya oo isna saxiixay habeenkii 31-ka Disembar 2018.

Aqalka Sare ayaa olole weyn muddo laba sano ugu jiray inuu qeyb noqdo ansixinta Miisaaniyadda oo aan ka mid ahayn arrimaha loo xil saaray, wuxuuna sanadkii 2017 ansixiyey qaraar ay awood isu siiyeen ka doodista iyo ansixinta miisaaniyadda.











Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip