QM oo Shaacisay Khasaaraha Ka Dhashay Madaafiicdii Ku Dhacday Xarunta Xalane.

0
Tuesday January 01, 2019 - 21:48:39 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 89
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QM oo Shaacisay Khasaaraha Ka Dhashay Madaafiicdii Ku Dhacday Xarunta Xalane.

    Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Heysom ayaa cambaareeyay weerarkii aan tooska ahayn ee madaafiicda ah ee maanta lagu qaaday Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Heysom ayaa cambaareeyay weerarkii aan tooska ahayn ee madaafiicda ah ee maanta lagu qaaday Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

"Toddobo madfac ayaa ku dhex dhacday gudaha saldhigga Xalane waxaana ku dhaawacmay labo ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo hal  ruux oo qandaraasle ah balse ma aha kuwo halis gelinaya noloshooda.”ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray ergeyga Qaramada Midoobay.

"Weerarka aan tooska ahayn ee lagu soo qaaday Xarunta weyn ee Qaramada Midoobay waxa uu ku yahay xadgudub sharciga caalamiga ah ee bani’aadananimada,waxana aan si adag u cambaareynayaa falkan gardarada ah ee lagu soo qaaday shaqaalaheena.”ayuu yiri Mr Haysom.

"Ma jiro wax qorshe siyaasadeed ah oo laga lahaan karo in lagu xadgudbo shaqaale hay’ado caalami  u shaqeynayo kuwaasoo taageeraya sidii nabad loo soo celin lahaa loona xoojin lahaa hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya,Waxan u rajeynayaa caafimaad deg-deg ah shaqaalaha ku dhaawacmay weerarkan.”ayuu sii raaciyay Mr Haysom.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa weerarka Madaafiicda loo adeegsaday ku tilmaamay mid xadgudub ku ah sharciga bani’aadminnimada ee caalamka.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada duqeynta maanta lala eegtay xarunta Xalane ay dagan yihiin Qaramada Midoobay, AMISOM iyo qaar kamid ah Safaaradaha Reer Galbeedka ku leeyihiin Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip