Wararkii ugu Dambeeyay Qaraxyadii ee Ka Dhacay Magaalada Muqdisho. -Sawirro

0
Saturday December 22, 2018 - 11:22:37 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 75
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu Dambeeyay Qaraxyadii ee Ka Dhacay Magaalada Muqdisho. -Sawirro

    Qarax labaad oo aad u xooggan ayaa mar kale ka dhacay magaalada Muqdisho, gaariga ayaa ku qarxay agagaarka Daljirka Dahsoon, waxaa uu ahaa gaari goobta la dhigay oo ciidamada amniga ka shakiyeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax labaad oo aad u xooggan ayaa mar kale ka dhacay magaalada Muqdisho, gaariga ayaa ku qarxay agagaarka Daljirka Dahsoon, waxaa uu ahaa gaari goobta la dhigay oo ciidamada amniga ka shakiyeen.


Labada Qarax ayaa ahaa kuwo aad u xooggan oo si weyn looga maqlay magaalada oo dhan, waxaana u dhaxeeyay ku dhowaad nusa saac.

Qaraxa hore ayaa saameyn ku yeeshay dhismayaasha ka ag dhow Tiyaatarka Qaranka iyo Hooyooyinka, waxaana goobaha uu saameeyay ka mid ah Idaacada Kulmiye ee degan dhismaha Guriga Hooyooyinka iyo Xafiiska Telefishinka Universal oo ku dhow Tiyaatarka.

Labada Qarax ayaa ka dhacay bar koontaroolka agagaarka Tiyaatarka ee ay ku sugan yihiin Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa hore ay ku dhinteen lix ruux, halka tiro kalena ku dhaawacmeen.

Wararka qaarkood aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa labaad ee ka dhacay agagaarka Taalada Daljirka uu ku dhaawacmay Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax.



 

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi tuulax ayaa watay Gaari kale oo Hilux ah,hayeeshee Gaariga Cabdi Bilaha ay ay saarnaayeen ilaaladiisa.


Ilo ku dhow dhow Guddoomiye Tuulax ayaa ay sheegeen in qaraxa uu dhaawac aad u fudud kasoo gaaray,hayeeshee inta badan Ilaaladii saarneyd gaariga uu watay ay geeriyoodeen.

Xilliga Qaraxyada dhacayeen ayaa waxaa Dhismaha Tiyaatarka Qaranka ka socday ololaha is xilqaan ee lagu dhisayo Titaatarka iyo goobaha kale ee danta Guud.

Khasaaraha ka dhashay qaraxyadii xooganaa ee saakay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sii kordhaya, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in dadku waxyeeladu soo gaartay ay ku jiraan masuuliyiin katirsan dowlada.







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip