Madaxweynaha Cusub ee Koofur Galbeed oo Xalay La kulmay Saraakiisha Amaanka.

0
Thursday December 20, 2018 - 09:01:48 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 144
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Cusub ee Koofur Galbeed oo Xalay La kulmay Saraakiisha Amaanka.

    Madaxweynaha Cusub ee maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa xalay Waxaa uu Magaaladda Baydhabo kula kulmay Saraakiisha Amaanka ee Ciidanka Dowladda iyo Ciidanka AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Cusub ee maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa xalay Waxaa uu Magaaladda Baydhabo kula kulmay Saraakiisha Amaanka ee Ciidanka Dowladda iyo Ciidanka AMISOM.

Lafta Gareen ayaa si gooni Gooni ah ula kulmay Dhinacyadda, Saraakiisha Ciidanka ee AMISOM ayuu la qaatay shir ay uga wada hadleen, xaqiijinta Amniga iyo sidii ay umaareeyeen Howlaha Amaanka intii ay Magaaladdu Kacsaneeyd ka hor doorashadiisii.

Taliyeyaasha Ciidanka Booliiska Faderalka ee Baydhabo jooga kuwa gaarka ah ee Koofur Galbeed iyo Military-ga ayuu sidoo la kulmay Madexweyne Lafta Gareen.

Inkastoo aan Warbaahinta loo soo bandhigin waxa rasmiga ee looga hadlay kulanka oo ka dhacay Madaxtooyadda Baydhabo, hadana ilo xog-ogaal ah  ayaa sheegay in Amniga Magaalada ay ka wada hadleen.


Madaxweyne Lafta gareen ayaa sidoo kale la sheegay in uu u mahadceliayay Saraakiisha ku mashquuulsaneeyd sugidda Amniga Baydhabo intii ay socotay ololaha Doorashadda iyo Doorashadii Shalayba.

Cabdi Casiis Xasan Maxamed waxaa uu Noqday Madaxweynii labaad ee koofur Galbeed wuxuuna guul ka gaaray Doorsho shalay ka dhacday Baydhabo. 101 cod ayuu ka helay codokii Doorashadda ee la dhiibtay.   


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip