Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Maanta Ku Wajahan Magalada Kismaayo.

0
Thursday December 06, 2018 - 10:10:37 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 36
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Maanta Ku Wajahan Magalada Kismaayo.

    Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Kismaayo.


Socdaalka Guddoomiye Cabdi Xaashi ee Kismaayo ayaa salka ku heysa sii wadida dadaaladii Aqalka Sare ugu jiray xal u helida khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa Wariyeyaasha u sheegay inuu Kismaayo u tagayo howshii uu soo waday Aqalka Sare ee ku aadanaa xalinta khilaafka ka dhex taagan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

"Wafdiga aan hoggaaminayo waxaan aadeynaa Kismaayo, ujeedada safarkeenu waa tii aan hawl dhexdhexaadin ah soo wadnay meel gabogabo ah ayeyna mareysaa.” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Waxaa uu sheegay in heer gabogabo ah mareyso howshii uu soo waday Aqalka Sare, isla markaana ay rajeynayaan inta dhiman inay ku guuleystaan.

Aqalka Sare ayaa dhowaan qodobo ka soo saaray khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo ay soo bandhigeen qodobo ay tabanayaan Maamul goboleedyada.



Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo wafdigiisa ayaa waxa ay la kulmi doonaan Madaxweynaha Jubbaland iyo Madaxda kale ee maamulkaas,iyaga oo kala hadli doonaan dhameynta arrimaha khilaafka.


Magalada Kismaayo ayaa laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Guddoomiyaha Aqalka Sare oo halkaasi Maanta ku wajahan.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip