Wararkii ugu Dambeeyay Xaalada Baydhabo Kadib Ciidamadii Dowladda Geysay Magaladaas.

0
Wednesday December 05, 2018 - 09:38:18 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 94
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu Dambeeyay Xaalada Baydhabo Kadib Ciidamadii Dowladda Geysay Magaladaas.

    Iyadoo 19-ka bishan lagu wado inay magaalada Baydhabo ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo dhowr jeer oo hore dib u dhacday ayaa waxaa ka socda xaafadaha magaalada howlgallo lagu sugayo amniga magaalada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo 19-ka bishan lagu wado inay magaalada Baydhabo ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo dhowr jeer oo hore dib u dhacday ayaa waxaa ka socda xaafadaha magaalada howlgallo lagu sugayo amniga magaalada.


Labadii habeen ee la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada ka dhacay weeraro bambaano oo sababay dhaawacyo, iyadoo xalay bam gacmeed lagu weeraray fariisin ciidanka Amniga ku sugnaayeen, kaasoo sababay dhaawaca saddex askari iyo Hoyga uu deganaa Xildhibaan hore ee Dowladdii KMG aheyd ee Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.



Horay Magalada Baydhabo waxaa u joogay Ciidamo isugu jira,Millateri iyo Boolis oo ka kala tirsan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed iyo Ciidamada AMISOM,balse waxaa lagu kordhiyay Ciidamo boolis ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya.


Ciidamadaas ayaa loogu talo galay inay ka qeyb qaataan xaqiijinta Amniga inta lagu guda jiro doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed,hayeeshee Xildhibaano ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa ka soo horjeestay Ciidamadaas.


Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Mudane Hasan Huseen Maxamed Eelay ayaa sheegay in Ciidamaas ay iyagu dalbadeen,isla markaana ay ka qeyb qaadan sugida Amniga doorashada,isla markaana hadii ay doonaan ay Ciidamo kale dalban doonaan.


Saraakiisha Amniga ayaa ugu baaqay shacabka inay kala shaqeeyaan ciidamada xaqiijinta amniga magaalada iyo sidii doorashada ay ugu dhici laheyd qaab nabdoon.

Ciidamada ayaa xaafadaha qaar ee magaalada ka wada howlgallo lagu sugayo amniga, inkastoo aanay jirin cid loo soo qabtay weeraradii bambaano magaalada ka dhacay.

Dadka deegaanka ayaa cabsi ka qaba xiisadaha siyaasadeed iyo xaalada amni ee soo korortay.

Isku-soo wada duuboo xaalka Magalada Baydhabo ayaa Maanta ah mid caadi ah wallow xalay Koontoroolka Waqooyi ee Magalada weeraro bambaano lagu qaaday,hadana wax saameyn ah kuma yeelan xaalada amni ee Magalada Baydhabo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip