Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka oo Gaaray Magaalada Buulo-Burde.

0
Tuesday December 04, 2018 - 22:29:51 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 22
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka oo Gaaray Magaalada Buulo-Burde.

    Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa gaaray magaalada Magaalada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa gaaray magaalada Magaalada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

Wafdiga Abaandulaha ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay ku sugnaayeen magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,iyaga oo kulamo la soo qaatay saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka iyo Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Booqashada abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Odawaa Yuusuf Raage iyo saraakiisha la socota ayaa salka ku haysa diiwaangelinta ciidamada xoogga dalka iyagoo hore u soo booqday magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo ka mid ah maamul goboleedka Hirshabelle.

Degmada Buulo-Burde waxa ay ka mid tahay degmooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab,waxaana saraakiisha Ciidamada ay dhowr mar sheegeen inay go’doonka ka qaadi doonaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip