Camey "Xamar La igama Soo Dhiibin Tallaabooyinka Aan Qaadayo ee Ka Dhanka Ah Gaas"

0
Tuesday December 04, 2018 - 13:57:58 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 50
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Camey "Xamar La igama Soo Dhiibin Tallaabooyinka Aan Qaadayo ee Ka Dhanka Ah Gaas"

    Madaxweyne Kuxigeenka dowlad goboleedka Puntland C/xakiim Cabdullaahi Cumar Camey ayaa markii u horeysay ka hadlay wararka la xiriira in Dowladda Somaliya ka danbeyso go'aanada ka dhanka ah Madaxweyne Gaas ee uu maalmihii danbe qaadanayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Kuxigeenka dowlad goboleedka Puntland C/xakiim Cabdullaahi Cumar Camey ayaa markii u horeysay ka hadlay wararka la xiriira in Dowladda Somaliya ka danbeyso go'aanada ka dhanka ah Madaxweyne Gaas ee uu maalmihii danbe qaadanayay.


Camey ayaa shalay magaacabay Guddiga kale oo Xalinta khilaafaadka Baarlamaanka soo socda ee Puntland, taasoo jawaab u aheyd guddigii uu magacaabay Madaxweyne Gaas.

C/xakiim Cabdullaahi Cumar Camey ayaa meesha ka saaray in Muqdisho ay ka socoto tallaabooyinka uu qaadayo, Isagoo tilmaamay in dowladda Soomaaliya aanay wax door ah ku leheyn khilaafka kala dhexeeya Madaxweyne Gaas.

Villa Somalia ayuu sheegay iney inta badan la xiriirto Madaxweyne Gaas, isagana wali aaney wax lacaga ah u raadsan, si uu ugu sameeyo arrimaha ay kaga baahan yihiin Puntland.

"Umadda reer Puntland waxaan u sheegayaa, Puntland baan aniga ahay iyada ayaanna u dhimanayaa, meel aan u socdaana majirto, Xamar baan u socon Mareykan oo Baasaboorkiisa leeyahay baa laga yaabaa inaan Fasax u aado”ayuu yiri Cameey Wareysi uu siiyay Warbaahinta gudaha ee Puntland.

Si kastaba doorashada Puntland oo ay ka harsan tahay wax ka yar 40 Cisho, ayaa durbadiiba waxaa Hogaankeeda hareeyay Khilaafaadka taasoo sabab u noqon karta in dib u dhac uu ku yimaado Doorashada Madaxtinimo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip