Muuse Biixi oo Si Lama Filaan Ah uga Laabtay Go'aan Adag oo uu Dhowaan Shaaciyey.

0
Tuesday December 04, 2018 - 13:38:01 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 66
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi oo Si Lama Filaan Ah uga Laabtay Go'aan Adag oo uu Dhowaan Shaaciyey.

    Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka laabtay go'aan adag oo uu dhowaan kaga soo horjeestay inuu wadahadal la galo dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka laabtay go'aan adag oo uu dhowaan kaga soo horjeestay inuu wadahadal la galo dowladda Federaalka Soomaaliya.


Biixi ayaa bishii hore ka sheegay Magaalada Burco inaysan marna wax wadahadal ah la galeynin dowlada Soomaaliya inta ka aqoonsaneyso Somaliland.

Kaddib markii Wafdi ka socda Midowga Yurub uu kula kulmay Magalada Hargeysa ayuu sheegay Muuse Biixi inuu ka laabtay go’aankaas, iyadoo War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiskiisa Hargeysa lagu sheegay inay diyaar u yihiin wadahadal ay la galaan dowladda federaalka.

Sidoo kale, War-saxaafadeedka ayaa ku eedeeyey  dowladda Federaalka inay ka caga jiideyso wadahadalka Maamulka Somaliland.

Sarkaal u hadlay maamulka Somaliland ayaa sheegay in wafdi ka socda midowga Yurub ay kulamo kula yeesheen magaalada Hargeysa madaxda u sareysa  maamulkaas ayna ka dalbadeen in la wadahadlo.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi oo bishii hore ku dhowaaqay in uu joojiyay wadahadaladii maamulkiisu uu la lahaa dowlada federalka ayaa haatan aqbalay in uu ka noqdo mowqifkiisii hore isla markaana uu diyaar u yahay wadahadalo.

Go’aanka uu ku joojiyay wadahadalada ayaa waxaa ka soo horjeestay hogaamiyaha  mucaaradka Feysal Cali Waraabe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip