Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxda Sare oo isku Mari Waayay Wadahadal.

0
Tuesday December 04, 2018 - 09:06:15 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 46
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxda Sare oo isku Mari Waayay Wadahadal.

    Waxaa saacadihii lasoo dhaafay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kulamo xasaasi ah ku yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ra'isul Wasaaraha Xukuumada Fedeeaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kulamo xasaasi ah ku yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ra'isul Wasaaraha Xukuumada Fedeeaalka.


Kulamadan ka dhacay Madaxtooyada ayaa looga hadlayay sidii xal looga gaari lahaa kala diristii Guddiga Maaliyada iyo Miisaaniyada golaha shacabka iyo sidoo kale xiisada ka taagan doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa ka biyo diidan wali kala daristii guddiga maaliyada golaha shacabka waxa uu sidoo kale Gudoomiyaha ka careesan yahay faragalinta Xukuumada ay ku heyso doorashada Koonfur Galbeed.

Sida Ay Sheegayaan Wararka gudoomiyaha golaha Shacabka ayaa Farmaajo iyo kheyre u sheegay in sharci daro tahay kala darista Guddiga Maaliyadda iyo sidoo kale ciidamadii dhawaan dowlada geysay Baydhabo, waxa uu sidoo kale Mursal ka hor yimid cadaadiska dowlada ku heyso Musharax Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur .

Wadahadalo la isku soo laabtay saacado badana qaatay ayaa lagu soo waramayaa in hada xoogaa isku soo dhawaansho uu jiro, Gudoomiye Mursal ayaana la sheegay in uu ogolaaday kala dirista Guddiga Maaliyada balse waxa uu kasoo horjeedaa faragalinta doorasaha KG.

Gudoomiye Mursal ayaa Farmaajo iyo Kheyre u sheegay in khalad lagu heesto Abuu Mansuur uuna xaq u leeyahay in uu tartamo, waxa uu sidoo kale madaxda u sheegay in masuuliyada ay qaadi doonaan hadii ay dhibaato abuuraan ciidamada la geeyay Baydhabo.

Waxaa soo ifbaxaya in Guddoomiye Mursal uu aad ugu dhegan yahay saddex qodob, diideyna inuu wada xaajood ka geli doonin.

Qodobada uu Guddoomiyaha ka biya diidan yahay ayaa waxaa ka mid ah

1- in Ciidamada la geeyey Baydhabo dib loo soo celiyo

2- In uu tartamo Mukhtaar Roobow oo aan Musharaxnimadiisa laga hor istaagin

3- In Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka ay shaqadooda wataan

Madaxda Sare ee dalka ayaa lagu soo waramaya in ay Gudoomiyaha ka codsadeen in uu ka tanaasulo qodobadda qaar, waxaana Gudoomiye Mursal uu ku adkeystay in la fuliyo qodobaddaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxda sare ee dalka u balameen kulamo kale oo lagu dhameenayo mad madowga jira, lamana oga go’aanka ugu dambeeya ay isku raaci doonaan Madaxda ugu sareysa dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip