Taliye Indha-Qarshe Oo Farriin U Diray Dhalinyarada Ka Barbar Dagaalanta Al-Shabaab.

0
Tuesday December 04, 2018 - 08:53:51 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 48
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Indha-Qarshe Oo Farriin U Diray Dhalinyarada Ka Barbar Dagaalanta Al-Shabaab.

    Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Janeraal Daahir Aadan Cilmi(Indha-qarshe) ayaa sheegay in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay u diyaar garoobeen howlgallada ka dhan ah Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Janeraal Daahir Aadan Cilmi(Indha-qarshe) ayaa sheegay in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay u diyaar garoobeen howlgallada ka dhan ah Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa xoogga dalka loo diyaariyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab,isaga oo ciidamada faray inay si wanaagsan ula dhaqmaan dadka Shacabka ah.

Dhinaca kale Taliye Indha-qarshe ayaa ugu baaqay dhalinyarada ka barbar dagaalanta Al-Shabaab inay isaga soo tagaan,isla markaana ay yihiin kuwo la qalday sida uu hadalka u dhigay.
 
"Dhalinyarada ka barbar dagaalameysa Al-Shabaab waxan leeyahay kasoo taga Al-Shabaab oo dadkiina dhinac ka raaca,hadii aad diidaan ciidamada xoogga dalka waxaa ku waajib ah inay idinla dagaalamaan ayuu yiri Taliyaha Ciidanka xoogga dalka.


Waxaa uu ugu baaqay Shabaab in ay dagaalka ay joojiyaan, maadaama waxa dagaallada ku dhimanaya ay yihiin dad Soomaaliyeed.

Indhoqarshe ayaa sheegay in aysan jirin xilliggaan sabab loo dilo dadka Soomaaliyeed oo ay heystaan dhibaatooyin kala duwan.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayuu sheegay in uu waddo howlgalo Ballaaran oo ka dhan ah Shabaab.


Si kastaba hadalka Taliyaha xoogga dalka ayaa kusoo aadaya xilli inta badan Gobolada dalka ay ka socdaan dhaq dhaqaaqyo Ciidanka halka meelaha qaarkood ay ku dagaalameen Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip