Sarkaal Ka Tirsan Maamulka Hirshabelle oo Toogasho Ku Diley Xaaskiisa.

0
Tuesday November 27, 2018 - 08:52:20 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 180
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Ka Tirsan Maamulka Hirshabelle oo Toogasho Ku Diley Xaaskiisa.

    Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in Maareeyihii Garoonka Diyaaradaha magaalada Jowhar uu xalay ku diley xaaskiisa guri ay ka degenaayeen xaafada Hantiwadaag ee magaalada Jowhar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in Maareeyihii Garoonka Diyaaradaha magaalada Jowhar uu xalay ku diley xaaskiisa guri ay ka degenaayeen xaafada Hantiwadaag ee magaalada Jowhar.


Dilka haweeneydan oo la sheegay in ay xaamilo ahayd lana oran jirey Jamiilo Sh.Cali Ibraahim oo 32 jir ahayd ayaa ka  dambeysay kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay iyada iyo seygeedii oo lagu sheegay magaciisa Cali Dheere.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in markii ay murmeen uu bastoolad uu lahaa dhowr xabadood ku dhuftay. 

Ehelada Marxuumada la dilay ayaa sheegay inay aad uga naxeen falka dilka ah ee loo gaystay gabadhooda oo xaamilo aheyd, uuna dilay ninkii qabay ee ifka ay ka calmatay.

Ciidamada Booliska Magaalada Jowhar ayaa la sheegay inay soo qabteen gacan ku dhiiglaha dilay xaaskiisa, haddana uu ku xiran yahay Magaalada Jowhar, islamarkaana ay faahfaahin ka bixin doonaan sidda ay wax u dhaceen saacaddaha soo socda.

Dilkan naxdinta leh ayaa ku soo beegmaya xilli shalay ay Xafiiska Qaramada Midoobay u  qaabilsan dambiyada iyo maandooriyaha(UNODC) ay soo saartay warbixin sheegeysa  in maalin walba caalamka lagu dilo illaa 137 haween ah kuwaasoo dilkoodana ay ka dambeeyaan  xubin ka mid ah qoyskooda

Magaalada Jowhar ayaa saakay si weyn looga hadal hayaa dhacdadan naxtinta leh, mana ahan markii ugu horeesay muran qoys uu sababo in nolosha is dhaafiyaan lamaane nolosha wadaagayay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip