Shariif Xasan oo Kulan Sagootin Ah La Qaatay Wasiirada K/Galbeed, Kana Dhoofay Baydhabo -Sawirro.

0
Thursday November 08, 2018 - 20:46:50 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 58
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shariif Xasan oo Kulan Sagootin Ah La Qaatay Wasiirada K/Galbeed, Kana Dhoofay Baydhabo -Sawirro.

    Golaha Wasiirada dowlad goboleedka K/Galbeed ayaa shirkooda caadiga ahaa ku yeeshay Magaalada Baydhabo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wasiirada dowlad goboleedka K/Galbeed ayaa shirkooda caadiga ahaa ku yeeshay Magaalada Baydhabo.


Waxaa guddoominayay shirkan Sii-hayaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna Guddoomiyaha Baarlamanka C/qaadir Shariif Sheekhunaa, waxaana ka qeyb galay Madaxweynihii hore ee  KG Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shirka ayaa inta badan looga Hadlay sagootinta Madaxweyihii hore Koonfur Galbeed iyo isku dubaridka xaalada doorashada Madaxweynaha maamulkaas.

Shariif Xasan oo hadal kooban ka jeediyey kulanka ayaa ka dalbaday wasiirada iney iscafiyaan, isagoo kula dardaarmay iney howlaha maamulka si hufnaan leh u gutaan.

Sii-hayaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha baarlamanka KG C/qaadir Shariif Sheekhuna ayaa sheegay in la dedejinayo doorashada Madaxweynaha cusub.

"Wax gorgortan kama gali doono wax walba oo shacabka iyo degaanada KG dhib u keenaya ee shacabka ha isdejiyaan” ayuu yiri Sii-hayaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha baarlamanka KG.

Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa kulankaas ka dib waxaa uu dayuurad gaar ah ka raacay magaalada Baydhabo, iyadoo warar aan la xaqiijina ay ay sheegayaan inuu u dhoofay magaalada Nairobi.

Madaxweynihii hore ee Koofurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ahaa sanadihii la soo dhaafay siyaasi ka dhex muuqday saaxada siyaasda dalka Soomaaliya isagoo ka soo noqday Guddoomiye Baarlamaan dowladii lagu soo dhisay dalka Kenya.

Sidoo kale Shariif Xasan Sheekh ayaa soo noqday wasiirka maaliyada dowlada federalka waxana uu ugu dambeyntii noqday Madaxweynaha maamul goboleedka Koofurgalbeed.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in uu u tanaasulay shacabka Koofurgalbeed cadaadis xoog lehna la saaray.

Si kasta  ha ahaatee lama oga  Shariif Xasan Sheekh Aadan halka uu ku dambey doonto siyaasadiisa iyo qaabka uu markale ugu soo laaban doono iyadoo sanadka 2020ka la qorsheynayo in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah isla markaana xisbiyo siyaasadeed laga furi doono dalka.









Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip