Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo Noqday Guddoomiye iyo Afhayeen La'aan.

0
Wednesday November 07, 2018 - 22:21:48 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 48
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo Noqday Guddoomiye iyo Afhayeen La'aan.

    Golaha iskaashiga dowlad Goboleedyada ayaa noqday hogaan la'aan ka dib markii uu iscasilay Madaxweynihii dowlad goboleedka Koonfur galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ka mid ahaa mishiinada waaweyn ee dhaqaajinayey golahaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha iskaashiga dowlad Goboleedyada ayaa noqday hogaan la'aan ka dib markii uu iscasilay Madaxweynihii dowlad goboleedka Koonfur galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ka mid ahaa mishiinada waaweyn ee dhaqaajinayey golahaas.


Shirkii madaxda dowlad goboleedyadu bishii hore ku yeesheen magaalada Garowe ayaa Shariif Xasan loogu doortay inuu noqdo gudoomiyaha golaha iskaashiga dowlad goboleedyada.

Hase ahaatee maadaama Shariif Xasan uu iska casilay xilka Madaxweynaha koonfur Galbeed waxay taasi ka dhigan tahay hogaan la’aan soo wajahday golaha iskaashiga dowlad goboleedyada.

Sidoo kale afhayeenkii golaha iskaashiga C/llaahi Shiikh Xasan ayaa isna xilkaas iska casilay wax yar ka dib markii saaxiibkiis Shariif Xasan uu baneeyey kursiga hogaanka Maamulka Koonfur galbeed.

Shariif Xasan ayaa noqonaya xubintii labaad ee baneysa golaha iskaashiga dowlad goboleedyada, waxaana horey uga baxay Madaxweynana Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo heshiis gaar ah la galay dowlada federaalka.

Xubnaha ku haray golaha iskaashiga ayaa illaa hadda war ka soo saarin isbedelka ka dhacay maamulka Koonfur galbeed oo dad badan ay runmeysan yihiin iney dharbaaxo siyaasadeed ku noqotay.

Dadka falanqeeya siyaasada dalka ayaa aaminsan iney iscasilaada Shariif Xasan ay ka dhigan tahay burbur ku yimid golaha iskaashiga dowlad goboleedyada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip