Qaramada Midoobay oo Ka Hadashay Doorashada Madaxweynaha Koofurgalbeed.

0
Wednesday November 07, 2018 - 19:13:22 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 39
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay oo Ka Hadashay Doorashada Madaxweynaha Koofurgalbeed.

    Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobaay ee dalka Soomaaliya(UNSOM) ayaa War-Saxaafadeed ay soo saartay waxa ay ugu baaqday qeybaha kala duwan ee siyaasada Koofurgalbeed in ay xaqiijiyaan sidii loogu qaban lahaa doorashada iyadoo la raacayo shuruucda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobaay ee dalka Soomaaliya(UNSOM) ayaa War-Saxaafadeed ay soo saartay waxa ay ugu baaqday qeybaha kala duwan ee siyaasada Koofurgalbeed in ay xaqiijiyaan sidii loogu qaban lahaa doorashada iyadoo la raacayo shuruucda lagu heshiiyay.

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midooobay u qaabilsan dalka Soomaaliya Hayson ayaa ku sheegay war saxaafadeedka

"Doorashadan waa mid kamid ah doorashooyin ka dhici doona dalka kuwaasoo isugu jira heer dowlad goboleed iyo mid Federalba 2020 ugu horeeyay ee laga qabo dalka, waxaa looga baahan yahay inay u dhacdo si nabad ah oo hufnaan leh.”

"Waxaan hoosta ka xariiqayaa in beesha caalamka ay sidan oo kale ay bishii November 2016 ay Soomaalida ugu baaqday in la xaqiijiyo qeybaha kala duwan ee siyaasadda sidii ay doorashada xilliga ugu dhici lahayd si wanaagsan.”ayuu sii raaciyay Haysom.

Nicholas Haysom ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in iyadoo lala kaashanayo oday hogaamiyaasha dhaqanka in xal loo helo iyadoo la wadahadlayo sidii doorashadu ay u qabsoomi lahayd si nabad ah.

Baarlamaanka Koofurgalbeed Soomaaliya ayaa lagu wadaa in 17ka bishan ay doortaan Madaxweyne halka doorashooyin la mid ahna ay ka dhici doonaan  Puntland iyo Jubaland sanadka 2019.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip