Kulankii Golaha Shacabka oo u Baaqday Looram La'aan iyo Digniin Loo Diray Xildhibaanada.

0
Wednesday November 07, 2018 - 14:04:30 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 34
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulankii Golaha Shacabka oo u Baaqday Looram La'aan iyo Digniin Loo Diray Xildhibaanada.

    Kulanka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka oo maanta oo Arbaco ah lagu waday inuu dhaco ayaa u baaqday kooram la'aan, kaddib markii tiradii loogu tala galay inuu ku furmo kulanka uu gaari waayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka oo maanta oo Arbaco ah lagu waday inuu dhaco ayaa u baaqday kooram la'aan, kaddib markii tiradii loogu tala galay inuu ku furmo kulanka uu gaari waayay.


Kulanka maanta ayaa la filayay in looga doodo Hindise sharciyeedka Duulista iyo Saadaasha Hawada, waxaana Baarlamaanka ka hor aqrin lahaa Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Salaad.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin maqnaanshaha xildhibaanada iyo in kulanka Baarlamaanka uu kooram la’aan u baaqdo.

Waxaa uu sheegay inay kulanka soo socda ay yeerin doonaan liiska Xildhibaanada ka maqan fadhiyada Baarlamaanka, isla markaana lala xisaabtami doono.

Saddex meel labo meel ayaa ka maqnaa fadhiga Baarlamaanka, waxaana jira Xildhibaano aan fadhiyada imaan, kuwaasoo lagu eedeeyay xil gudasho la’aan.

Kulamada Baarlamaanka ayaa habacsanaan galay, wixii ka dambeeyay markii uu furmay Kalfadhiga afaraad, waxaana cel celis ahaa Xildhibaanada fadhiyada ka maqnaa ay gaaraan kala bar tirada Baarlamaanka uu ka kooban yahay ee 275 Xildhibaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip