Xildhibaanadii Koofur Galbeed ee Muqdisho Ku Sugnaa oo Saaka Ku Sii Jeeda Baydhabo.

0
Wednesday November 07, 2018 - 13:57:26 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 46
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanadii Koofur Galbeed ee Muqdisho Ku Sugnaa oo Saaka Ku Sii Jeeda Baydhabo.

    Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Koofur Galbeed oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa saaka ku sii jeeda magaalada Baydhabo, waxaana saaka aroortii basas looga qaaday Hoteladii ay degenaayeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Koofur Galbeed oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa saaka ku sii jeeda magaalada Baydhabo, waxaana saaka aroortii basas looga qaaday Hoteladii ay degenaayeen.


Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanada oo ka badan afartameeyo ayaa todobaadkii hore diyaarado looga soo qaaday Baydhabo, iyagoo qaarkood kulamo la qaateen Madaxda dowladda Federaalka, gaar ahaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada.

Tallaabada Xildhibaanada looga soo qaaday Baydhabo ee loo keenay Muqdisho ayaa banaanka soo dhigtay faragelinta dowladda Federaalka ku heyso doorashada Koofur Galbeed, gaar ahaan taageerada ay siineyso Musharax gaar ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xildhibaanada loo sameeyay balan-qaadyo iyo taageero dhaqaale, haddii ay is bedel ka keenaan Hoggaanka Koofur Galbeed.

Jahwareer ayaa ka taagan doorashada Koofur Galbeed, iyadoo maalin ka hor ay is casileen illaa 15 xubnood oo isugu jiray Guddoomiyaha iyo kuxigeenka Guddiga qaban qaabada doorashada Koofur Galbeed, iyagoo ku sababeeyay in is casilaadooda faragelin lagu hayo doorashada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip