Gudoomiye Yariisow oo Howgalka AMISOM Kala Hadlay Dadkii Ay Dileen.

0
Wednesday November 07, 2018 - 10:10:53 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 38
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Yariisow oo Howgalka AMISOM Kala Hadlay Dadkii Ay Dileen.

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan yariisow ayaa sheegay in Taliyaha AMISOM uu kala hadlay dhacdadii shalay Ciidamo ka tirsan AMISOM ku dileen dad rayid ah degmada Heliwaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan yariisow ayaa sheegay in Taliyaha AMISOM uu kala hadlay dhacdadii shalay Ciidamo ka tirsan AMISOM ku dileen dad rayid ah degmada Heliwaa.


Qoraal kooban oo uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ayuu sheegay inuu kala hadlay Taliyaha AMISOM sidii loo soo qaban lahaa askartii ka dambeysay dakdii shacabka ahaa ee lagu dilay degmada Hodan.

"Taliyaha AMISOM ayaan kala hadlay dhacdadii shalay ciidamo AMISOM ay ku dileen dad rayid ah degmada Heliwaa, waxaan u sheegay inaan la aqbali karin shacab in wax loo geysto”ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu ka dalbaday Taliska AMISOM in baaritaan dhab ah ka sameeyo dhacdadaas..

"Waxaan ka dalbaday inuu baaris dhab ah ka sameeyo, Waxaa uu ii ballanqaaday in AMISOM ay qoysaskii dhibaatadu soo gaartay ay la kulmayaan, tallaabo adagna laga qaadi doono cidii falkaas ku kacday”ayuu hadalkiisa ku sii daray Guddoomiye Yariisow.

AMISOM ayaa illaa hada ka hadlin dhacdadii shalay ay dadka rayidka ku dileen, waxaana meydadka afarta ruux la dhigay isbitaalka Madiina, kuwaasoo qoysaskooda ay sheegeen in aanay aasi doonin, illaa caddaalada laga keeno askarta falkaas geysatay.

Ciidamada AMISOM ayaa si bareer ah u dila dadka shacabka, waxaana shacabka ay noqdeen kuwo dhibane u ah dhinacyada isku haya siyaasadda dalka, haddii ay ahaan lahaayeen ciidanka dowladda, Al-Shabaab iyo Ciidamada ka socda Midowga Afrika ee taageeraya dowladda Federaalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip