Wasiirada Amniga Dowlad Goboleedyada Oo Shir Uga Furmayo Kismaayo.

0
Wednesday November 07, 2018 - 09:00:02 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 41
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirada Amniga Dowlad Goboleedyada Oo Shir Uga Furmayo Kismaayo.

    Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu wadaa in Maanta oo Arbaco ah uu ka furmo shir ku saabsan amniga oo ay yeelanayaan Wasiirada Amniga Dowlad Goboleedyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu wadaa in Maanta oo Arbaco ah uu ka furmo shir ku saabsan amniga oo ay yeelanayaan Wasiirada Amniga Dowlad Goboleedyada.

Magalada Kismaayo waxaa haatan ku wada sugan Wasiirada Amniga Dowlad Goboleedyada,Koonfur Galbeed,Galmudug Puntland iyo Jubbaland oo shirkaasi martigelineysa,waxaana ka maqan Wasiirka Amniga Hir-Shabeelle maadaama maamulkaas uu heshiis la gaaray dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirkaas ayaa waxaa horay loogu go’aamiyay Shirkii Golaha iskaashiga ee dhawaan lagu qabtay Magalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland.
 
Wasiirada Amniga Dowlad Goboleedyada ayaa waxa ay ka tashan doonaan qaabkii loo diyaarin lahaa Afar Kun oo Ciidamo gaar ah oo ay yeelanayaan Dowlad Goboleedyada si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab.


Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa horay u sheegay in shirka Wasiirada Amniga Dowlad Goboleedyada uu yahay mid muhiim ah,isla markaana mudo laba bilood gudahood ah lagu diyaarin doono ciidamadaas.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip