Ilhan Omar oo Loo Doortay Xubin Ka Mid Ah AqalkaCongress-ka Mareykanka.

0
Wednesday November 07, 2018 - 08:47:25 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 49
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ilhan Omar oo Loo Doortay Xubin Ka Mid Ah AqalkaCongress-ka Mareykanka.

    Ilhan Cumar oo ah muwaadin Somali-American ah ayaa noqotay qofkii ugu horeysay oo Somali-American ah, iyadoo qaxooti ahna timaada Maraykanka oo ku fariisatay kursiga aqalka Kongresska dalka Maraykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilhan Cumar oo ah muwaadin Somali-American ah ayaa noqotay qofkii ugu horeysay oo Somali-American ah, iyadoo qaxooti ahna timaada Maraykanka oo ku fariisatay kursiga aqalka Kongresska dalka Maraykanka.

Ilhan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa ka guuleysatay Jeniifer Zielinski oo Jamhuuri ah Doorasho 6-dii bishan (Shalay) ka dhacday ee dalka Maraykanka.

Ilhan oo 36 sano jir ah ayaa horey u sheegtay in ay u tartamayso kursigan si ay u xaqiijiso in la dhimo dadka halganka ugu jira nolosha, waxayna timid dalka Maraykanka iyadoo 12 jir ah kaddib markii ay ka soo carareen qoyskeeda dagaalada sokeeye ee dalka Soomaaliya.


Sidoo kale, Waxaa Jira Dad kale oo Soomaali ah oo Doorashadan Guulo ka Gaaray, kuwaas oo helay Kuraasta Gobalada iyo Degmooyinka ay ka Tartamayeen.

Taageerayaasha Ilhan Cumar ayaa Bilaabay Dabaal degyo iyo Damashaad, Iyadoona kala qeyb-qaadaneysa, waxaana Dabaal-deg ka Socda Minnesota ay ka Sheegtay in Guusheedu ay ku dhiira-gelinayso inay u Dhaqaaqdo Taaba-gelinta Balanqaadyadeedii.

Halkan ka akhriso shan arrimood oo ku saabsan Ilhaan.

1. Waxay Soomaaliya ka qaxday xilligii dagaalka sokeeye iyadoo 8 sano jir ah

2. Muddo afar sano ayay ku nooleyd xerada qaxootiga ee Dhadhaab

3. Waxay Maraykanka tagtay iyadoo 12 sano jir ah

4. Eryada Ingirriska ee ay taqaanay markii ay Maraykanka gaartay waxay ahaayeen "salaanta'' iyo ''aamus'' oo kali ah

5. Waxay noqotay qofkii Soomaaliga ahaa ee ugu horreeyay ee lagu doorto Maraykanka.

Guud ahaan dadka Soomaaliyeed iyo kuwa ku sugan Gudaha Mareykanka ayaa aad u soo dhaweeyay Guusha ay gaartay Ilhaan Cumar oo ah Gabar Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip