Macalimiin Kenyan ah oo Lagu Dilay Duleedka Mandhera iyo Al-Shabaab oo Sheegatay.

0
Thursday October 11, 2018 - 09:16:39 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 73
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macalimiin Kenyan ah oo Lagu Dilay Duleedka Mandhera iyo Al-Shabaab oo Sheegatay.

    War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahano katirsan kooxdooda deegaan hoostaga degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari dalka Kenya ku dileen labo macalin oo Kenyan ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahano katirsan kooxdooda deegaan hoostaga degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari dalka Kenya ku dileen labo macalin oo Kenyan ah.


Macalimiinta la dilay oo ahaa krishtaan ayaa lagu weeraray goob ay degnaayeen oo katirsan deegaanka Carabiya ee duleedka Mandheera, waxaana kooxda hubeesan ay si gaar ah u beegsadeen macalimiintan aan muslimka aheyn.

Meydadka labada macalin ayaa laga soo bixiyay dhismaha ay gebi ahaan gubtay, kana muuqday dab ka dhashay qaraxii lagu weeraray.

"Howlgal ay ciidamada Mujaahidiintu ka fuliyeen deegaanka Carabiya waxay ku dileen 2 qof Nasaaro Kenyaan ah oo xoog ku joogay dhulalka muslimiinta”ayaa lagu yiri war kasoo baxay Al Shabaab.

Macalimiinta la dilay ayaa wax ka dhigayay iskuul kuyaala deegaanka lagu dilay, waxa ayna arintan cabsi badan ku beertay macalimiin kale oo wax ka dhiga iskuulo kuyaala gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

Ciidamada Milateriga Kenya ayaa sheegay in howlgalo ka wadaan agagaarka Mandhera iyo xuduudka, ayna ku raad-joogaan kooxihii ka dambeeyay dilka Macalimiinta.

Al Shabaab ayaa marar badan gudaha Kenya ka fulisay weeraro xoogan oo lagu beegsaday inta badan ciidamada Kenya iyo sidoo kale dadka aan Muslimka aheyn ee kunool deegaano katirsan gobolka Waqooyi bari Kenya .




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip