Senator Cabdi Qeybdiid oo Baaq u Diray Madaxda Maamulka Puntland.

0
Thursday October 11, 2018 - 07:56:30 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Senator Cabdi Qeybdiid oo Baaq u Diray Madaxda Maamulka Puntland.

    Guddoomiyaha guddiga dib u eegista Dastuurka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ku sugan degaanada Puntland ayaa madaxda Puntland ugu baaqay inay gacan ka qeystaan xalinta khilaafka ka dhexjira madaxda G

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha guddiga dib u eegista Dastuurka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ku sugan degaanada Puntland ayaa madaxda Puntland ugu baaqay inay gacan ka qeystaan xalinta khilaafka ka dhexjira madaxda Galmudug.


Wuxuu sheegay inay muhiim tahay madaxda Puntland inay gacan iyo talo u fidiyaan madaxda khilaafka ka dhexjira ee Galmudug, maadaama ay yihiin laba maamul oo deris ah, 

Isaga oo Sii hadlayay ayuu sheegay in khilaafkaas hadii uu sii socdo uu saameyn ku yaalan doono Maamulkooda Puntland.

"Intaas kadib waxaa la rabaa oo madaxda Puntland ugu baaqayaa inay u fidiyaan gacan iyo talo madaxda khilaafka ka dhex jira ee Galmudug, maxaa yeelay waxaad tihiin laba maamul oo deris ah, wixii iyaga ka xumaada idinkana way idinka xumaanayaan”. ayuu yiri Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Khilaafka ka dhexjira madaxda Galmudug oo mudo soo jiitamayay ayaa weli aanan laga gaarin heshiis sax ah, dowladda federaalka ayaa ku guul dareysatay inay xaliso khilaafkan, maadaama ilaa hadda aanay qaadin talaabo deg deg ah oo xiisadan wax looga qabanayo.

Si kastab waxaa xilligaan sii xoogeysanaya khilaafka u dhaxeeya Madaxda Galmudug,iyada oo xildhibaanada Galmudug ay kala degan yihiin Magalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ee Gobolka Galgaduud.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip