Walaac Laga Muujiyay Dib U Dhaca Magacaabista Guddiga Doorashada Koofurgalbeed -Sawirro

0
Thursday October 11, 2018 - 07:25:54 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 72
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Walaac Laga Muujiyay Dib U Dhaca Magacaabista Guddiga Doorashada Koofurgalbeed -Sawirro

    Musharaxiinta iyo qaar kamid ah xildhibaanada Maamul Goboleedka Koofurgalbeed ayaa walaac ka muujiyay dib u dhaca ku imanaya magacaabista doorashada Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharaxiinta iyo qaar kamid ah xildhibaanada Maamul Goboleedka Koofurgalbeed ayaa walaac ka muujiyay dib u dhaca ku imanaya magacaabista doorashada Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya.


Kulan ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka qeybgalay Musharax  Madaxweynaha Koofurgalbeed Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ah musharax u taagan qabasahda xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay  qaar ka mid ah xildhibaanada Koofurgalbeed iyo siyaasiyiin ka soo jeeda maamulkaas.

Muqtaar Roobow oo kulanka khudbad ka jeediyay ayaa waxa uu walaac ka muujiyay dib u dhaca ku yimid Magacaabista Guddiga doorashada Madaxtinimada Koonfur Galbeed oo aan la magacaabin weli,iyadoo ay soo dhowaatay xilliga doorashada.

Hase yeeshee Musharax Muqtaar Roobow ayaa dhowaan wasaarada amniga  dowlada federalka qoraal ka soo baxay lagu sheegay in uusan ka qeybgali karin doorashada Koofurgalbeed,Hase yeeshee illaa hadda waxa uu ku adkeysanayaa Muqtaar Roobow oo xilal kala duwan ka soo qabtay Al-Shabaab inuu ka qeybgalayo doorashada.

Sidoo kale qaar kamid ah xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in dib u dhinaca ku yimid magacaabista Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay ku dhaliilayaan Madaxa Koonfur galbeed oo ay sheegeen inuu ka meer meerayo magacaabida gudigaas.









Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip