Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo Cadaado Ka Dhaceysa iyo Cali Gacal oo Ka Hadlay.

0
Wednesday October 10, 2018 - 12:36:12 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo Cadaado Ka Dhaceysa iyo Cali Gacal oo Ka Hadlay.

    Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug garabka fadhigooda yahay magaalada Cadaado ayaa ku dhawaaqay inay dooran doonaan Madaxweynaha Galmudug, kaddib markii ay sheegeen inay xilka ka qaadeen Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug garabka fadhigooda yahay magaalada Cadaado ayaa ku dhawaaqay inay dooran doonaan Madaxweynaha Galmudug, kaddib markii ay sheegeen inay xilka ka qaadeen Axmed Ducaale Geelle Xaaf.


Cali Gacal Casir Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo isna ay xilka ka qaadeen Xildhibaano ku shiray Dhuusamareeb ayaa sheegay in dhowaan magaalada Cadaado ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Tallaabooyinka iska soo horjeeda ee ay qaadayaan Madaxda Galmudug ee ku kala sugan Cadaado iyo Dhuusamareeb ayaa loo arkaa mid fowdo ah oo horseedeysa burburka Maamulka.

Shalay ayay markii Xildhibaanada fadhigooda yahay magaalada Dhuusamareeb ay doorteen Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Ismaaciil Cabdulle Axmed.

Cadaado iyo Dhuusamareeb ayaa hadda waxay xarun u kala tahay garabyada u kala qeybsantay Galmudug, sida Madaxweynaha Galmudug Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Sheekh Shaakir oo fadhigooda yahay Dhuusamareeb, halka Madaxweyne kuxigeenka Maxamed Xaashi Carabeey iyo Cali Gacal Casir uu fadhigooda yahay Cadaado.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip