Shirweynaha Dib U Eegista Dastuurka Oo Ka Furmay Magaalada Garoowe

0
Tuesday October 09, 2018 - 12:53:23 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 93
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirweynaha Dib U Eegista Dastuurka Oo Ka Furmay Magaalada Garoowe

    Magaalada Garoowe waxaa gordhow ka furmay Shirka dib u eegista Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya kaas oo la tashi lagala sameynayo xubnaha dowlad gobaleedyada u qaabilsan Dastuurka,Magaaladaas ayaa shalay waxaa gaaray gudiga Baalamaanka Soomaaliya u xil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Garoowe waxaa gordhow ka furmay Shirka dib u eegista Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya kaas oo la tashi lagala sameynayo xubnaha dowlad gobaleedyada u qaabilsan Dastuurka,Magaaladaas ayaa shalay waxaa gaaray gudiga Baalamaanka Soomaaliya u xilsaaran dib u eegista Dastuurka waxaana lagusoo bandhigi doonaa cutubyo dib loo ahbeeyay.

Mudooyinkii u dambeeyay Magaalooyinka dalka waxaa gaarayay Gudiga madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka iyo kan labada aqal waxaana ay la tashiyo la sameeynayeen Bulshada qeybaheeda kala duwan si KMG looga saaro Dastuurka dalka.

Munaasabaddaan ayaa waxaa khudbado ka jeedinaya Xubnaha Maamul-gobaleedyada u qaabilsan la socodka dib u eegista Dastuurka iyo Gudiga madaxabanaan iyo ka labada aqal ee Baarlamaanka u qaabilsan Dastuurka dib u habeyntiisa.


Shalay ayay ahayd markii magaalada Garoowe ay gaareen wefdi uu hogaaminayo guddoomiyaha guddiga dib u eegista dastuurka labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid kaasoo sheegay in ay magaalada Garoowe ku qabanayaan shir ku saabsan dib u eegista dastuurka.

Sida qorshuhu uu yahay geeddi socodka qabyo tirka dastuurka Soomaaliya ayaa la rajeynayaa in lasoo dhamaystiro kahor sanadka 2020 oo xiliga la qorsheeyey in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod, walow ay jiraan caqabado isbiirsaday oo uu ammaanka ugu horeeyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip