Askari Toogasho Ku Diley Suldaan Xasan Cali Jibriil iyo Cabdiweli Gaas oo Ka Hadlay.

0
Friday September 21, 2018 - 21:29:22 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 310
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari Toogasho Ku Diley Suldaan Xasan Cali Jibriil iyo Cabdiweli Gaas oo Ka Hadlay.

    Wararka ka imaanaya degmada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in askari katirsan ciidamada maamulka Puntland bar koontarool ku dilay Suldaan Xasan Cali Jibriil oo kamid ah Isimada gobolka Sanaag.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya degmada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in askari katirsan ciidamada maamulka Puntland bar koontarool ku dilay Suldaan Xasan Cali Jibriil oo kamid ah Isimada gobolka Sanaag.


Suldaan Xasan Cali Jibriil ayaa la sheegay xiliga la dilayay in uu watay gaari uu marayay bar koontarool, waxaana gaariga Suldaanka xabad kusoo riday askari katirsan ciidamada Puntland oo ku sugnaa koontaroolkaasi.

Ciidamada Puntland ayaa durba xiray askariga dilka u geestay Suldaan Xasan Cali oo aad looga garanayay gobolka Sool, waxa uuna Suldaankan kamid ahaa waxgaradkii Degmada Badhan kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Suldaan Xasan Cali Jibriil, waxa uuna sheegay Gaas  in suldaanku uu door wayn ka qaatay arimaha nabada, ehelada iyo qaraabada marxuumka ayuu madaxweynuhu si gaara uga tacsiyey.

Allaha u naxariistee Suldaan Xasan Cali Jibriil ayaa gelinkii dambe ee maanta aas qaran loogu sameeyay qabuuro ku yaal degmada Badhan.

Guud ahaan ammaanka degmada Badhan ayaa aad loo adkeeyay iyadoo shalay lagu qabtay markii ugu horeysay shirka golaha wasiirada maamulka Puntland.

Dilka Suldaanka ayaa imaanaya xili booqasho shalay Degmada Badhan oo ay isku heestaan maamulada Somaliland iyo Puntland ku tagay Madaxweyne Gaas, waxa uuna Madaxweynaha halkaasi ka furay mashaariic kala duwan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip