Yuusuf Garaad oo Ka Digay Khilaafka Soo Kala Dhex Galay Dowladda Dhaxe iyo D.Goboleedyada.

0
Friday September 14, 2018 - 09:48:06 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 186
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yuusuf Garaad oo Ka Digay Khilaafka Soo Kala Dhex Galay Dowladda Dhaxe iyo D.Goboleedyada.

    Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka digay khilaafka soo kala dhex galay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaasoo xilligan gaaray heerkii ugu xumaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka digay khilaafka soo kala dhex galay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaasoo xilligan gaaray heerkii ugu xumaa.


Qoraal uu soo dhigay barahiisa Bulshada ayuu ku sheegay in is af-garan waaga dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada uu dib u dhac u keeni karo dowladnimada.

"Is af-garan-waaga Federaalka & D. Goboleedyadu wuxuu dib-udhac u keeni karaa Dowladnimadeenna, mana ahan in uu heerkaan kor u sii dhaafo, Waa lama huraan in dhinac kastaa uu arrinta ku wajaho maskax fayow, deggan, dulqaad leh, xal-doon ah oo u tureysa Dowladnimada”ayuu tori Yuusuf Garaad.

Dowlad goboleedyada oo 4-tii bishan war murtiyeed ka soo saaray shir ay ku yeesheen magaalada Kismaayo ayaa waxay ku dhawaaqeen inay hakiyeen wada shaqeyntii ay la lahaayeen dowladda Federaalka, waxaana tallaabadaas ka dhashay mowjado siyaasadeed oo xilligan hareeyay maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shir wadatashi isugu yeeray Madax maamul goboleedyada 17 illaa 18-ka bishan September, hase ahaatee maamul goboleedyada ayaa qaadacay ka qeyb galka Shirkaas.

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa bilaabay dadaalo lagu xalinayo xiisada siyaasadeed, isla markaana ku dhawaaqay inuu wafdi u dirayo deegaanada maamul goboleedyada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip