DEG DEG: Guddoomiyihii Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo Xilka Laga Qaaday.

0
Thursday September 13, 2018 - 13:35:19 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Guddoomiyihii Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo Xilka Laga Qaaday.

    Xildhibaano fadhigooda uu yahay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa waxa ay sheegeen inay xilka ka qaadeen guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaano fadhigooda uu yahay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa waxa ay sheegeen inay xilka ka qaadeen guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir.


Kulankan ayaa waxaa soo xaadirtay illaa 147 Xildhibaan, waxaana xilka ka qaaday Guddoomiye Cali Gacal Casir illaa 146 Mudane, halka hal xildhibaan uu ka aamusay.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa warbahinta u sheegay in 146 Xildhibaan ay isku raaceen xil ka qaadista Guddoomiye Cali Gacal, halka hal Xildhibaan uu ka aamusay.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa maalintii labaad ku soo gabagabeeyay mooshinka kalsoonida kala noqoshada ay ka keeneen Guddoomiye Cali Gacal, iyadoo maalintii shalay bilaabatay dooda mooshinka.

Xildhibaanada kulmay ayaa waxay kaloo sheegeen inta laga soo magacaabayo guddoomiye cusub in xilka uu si kumeel gaar ah u heyn doono gudoomiye kuxigeenka Koowaad Xareed Cali Xareed.

Xil ka qaadista Guddoomiye Cali Gacal ayaa sii xoojineysa khilaafka ka dhex qarxay Maamulka Galmudug oo markii horeba la daala dhacayay khilaafaad soo laab-laabtay.

Inta badan Xildhibaanada xilka ka qaaday Guddoomiye Cali Gacal Casir ayaa ah kuwii ka yimid Maamulka Ahlusuna ee lagu daray Baarlamaankii Galmudug ee lagu dhisay Cadaado




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip