
Madaxweyne Farmaajo oo La Kulmay Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida.
Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maamulka dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.
Waxaa Sidoo kale kulanka looga hadlay sidii loo xoojin lahaa isbedallada ka socda geeska Afrika.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Magaalada Adis-ababa kaga qeyb galaya Shirkii 33-aad ee Hoggaamiyayaasha Wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD, waxaana shir guddoominaya Rai’iusul Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed.
Ajendayaasha looga hadlayo Shirka IGAD waxaa kamid ah Arrimaha Nabadeynta, Suudaanta Koonfureed,dib ugu soo biiridda Ururka ee Eritrea, dib usoo nooleynta Xiriirka Jabuuti iyo Eritrea.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa inta uu joogo dalka Itoobiya waxaa uu kulamo gooni gooni ah la qaadan doonaa Hoggaamiyaasha Gobolka ee Shirkaasi ka qeybgalaya, isagoona kala hadli doona Iskaashiga dhex mara.
Madaxweyne Farmaajo oo La Kulmay Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) .