Cali Gacal Casir "Raga La Leeyahay Mooshin Ayay Keeneen, Ma Ahan Xildhibaano"

0
Wednesday September 12, 2018 - 11:30:41 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 64
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Gacal Casir "Raga La Leeyahay Mooshin Ayay Keeneen, Ma Ahan Xildhibaano"

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ee uu Mooshinka ka yaallo ayaa sharci darro ku tilmaamay in aanu sharci aheyn mooshinka laga keenay, isagoo ka digay in burbur loo horseedo Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ee uu Mooshinka ka yaallo ayaa sharci darro ku tilmaamay in aanu sharci aheyn mooshinka laga keenay, isagoo ka digay in burbur loo horseedo Galmudug.


Cali Gacal Casir ayaa sheegay in dadka keenay Mooshinka aanay aheyn Xildhibaano sax ah, isla markaana aanu aqoonsaneyn.

"Raga la leeyahay mooshin ayay keeneen, ma ahan Xildhibaano, liiskooda ma arag, sharcina ma ahan, waa dad deegaankooda jooga oo mooshin ka keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka”ayuu yiri Cali Gacal Casir.

Waxaa uu sheegay in dib u heshiisiin ay socotay, isla markaana uusan garaneyn sababaha loola ordayo mooshin, waxaana uu tilmaamay in tani ay keeneyso khilaaf iyo kala tag ku yimaada maamulka Galmudug oo uu xusay in 11 qabiil ay isku tagtay oo hal maamul ku midoobay.

Illaa 89 Xildhibaan ayaa mooshin ka keenay maalintii shalay Guddoomiye Cali Gacal Casir, waxaana mooshinkaas qabtay Guddoomiye kuxigeenka 1aad Xareed Cali Xareed, kaasoo sheegay in mooshinka laga doodayo maanta oo Arbaco ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip