Ciidan isugu jira Ajaaniib iyo Soomaali oo Weerar Ka Fuliyay Deegaanka Mubaarak.

0
Wednesday September 12, 2018 - 09:36:34 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 82
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidan isugu jira Ajaaniib iyo Soomaali oo Weerar Ka Fuliyay Deegaanka Mubaarak.

    Ciidan isugu jira Soomaali iyo cadaan ayaa xalay saq dhexe waxa ay weerar qorsheysan ka fuliyeen degaanka Mubaarakak ee gobolka Shabeellaha Hoose,.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidan isugu jira Soomaali iyo cadaan ayaa xalay saq dhexe waxa ay weerar qorsheysan ka fuliyeen degaanka Mubaarakak ee gobolka Shabeellaha Hoose,.


Ciidanka cadaanka ah oo ay la socdeen kuwa Bancroft ayaa marka hore diyaaradihii ay wateen waxa ay uga degeen banaanka Mubaarak, waxayna gudaha u galeen iyaga oo lugeynaya degaanka.

Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen in ciidanka cadaanka ah iyo kuwa Soomaalida ay halkaasi kula dagaalameen xoogaga Al Shabaab oo la sheegay inay hayeen xogta weerarka, islamarkaana dhinacyadan uu dhexmaray dagaal culus.

Khasaaraha ka dhashay dagaalkan ilaa hadda si dhab ah looma oga balse waxaa la soo warinayaa in uu jiro khasare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyadan dagaalamay iyo dadka rayidka ah.

Warar kale ayaa waxa ay sheegayaan inta uu hawlgalkan socday in ay jirtay duqeyn ka dhacday degaanka, taasi oo ay fuliyeen diyaaradaha duuliyaha laheyn ee ay wateen ciidanka cadaanka ah ee Mareykanka.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen goobihii xalay lagu dagaalamay in saakay ay ku arkeen meydadka Afar askari oo si dhab ah aan loo ogeyn halka ay ka tirsan yihiin.

Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtay barta Twitter-ka waxa ay ku sheegtay hawlgal xalay saq dhexe ka dhacay Mubaarak inay ku dileen xubin ka tirsan Al Shabaab, sidoo kalena lagu dhaawacay kuwa kale.

NISA ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay xubnaha ay hawlgalkan ku bartilmaameedsadeen inay ku hawlanaayeen weeraro ay ka geystaan magaalada Muqdisho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip