Mooshin Kalsooni Kala Noqosho ah oo Laga Gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

0
Tuesday September 11, 2018 - 23:12:39 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 52
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mooshin Kalsooni Kala Noqosho ah oo Laga Gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

    Wararka ka imanaya maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir loo gudbiyay Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee baarlamaanka maamulka Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imanaya maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir loo gudbiyay Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee baarlamaanka maamulka Galmudug.


Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa wararku ay sheegayaan inuu aqbalay mooshinka laga keenay guddoomiye Cali Gacal Casir.

Xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka galmudug ayaa ku sababeeyay in uu gabay shaqadii loo igmaday ayna tahay mid lagama maarmaan ah in lala xisaabtamo.

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug Xareed ayaa sheegay in xildhibaano tiradoodu ku dhowdahay sagaashan ay ka keeneen mooshinka guddoomiyaha ayna tahay sharci in laga doodo maalmaha soo socda.

Hase yeeshee guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal ayaa ka horyimid mooshinka laga gudbiyay waxana uu ku tilmaamay mid been abuur ah ayna sax ahayn xildhibaanada la sheegay inay mooshinka ka gudbiyeen.

Mooshinka laga gudbiyay guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa waxa uu salka ku hayaa khilaafka ka dhex jira madaxda ugu sareysa maamulka Galmudug, waxaana uu guddoomiyaha baarlamaanka galmudug uu ka horyimid go’aanka ka soo baxay Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada oo ay ku hakiyeen la shaqeynta dowlada federalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip